VOA Somali

2.9K subscribers

Verified Channel
VOA Somali
February 21, 2025 at 12:04 PM
Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa Khamiistii dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkeeda loo yeeray “si wadatashi loola yeesho,” iyada oo ku eedeysay Kenya inay martigelisay “shirarka maleeshiyada fallaagada ah iyo xulafadooda,” tallaabo ay ku tilmaantay mid cadaawad ku ah Suudaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda, SUNA. Faah-faahinta: https://bit.ly/4i4Yjgb Follow VOA Somali WhatsApp 👉https://bit.ly/4azCAue
Image from VOA Somali: Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa Khamiistii dib ugu...

Comments