VOA Somali

2.9K subscribers

Verified Channel
VOA Somali
February 28, 2025 at 12:26 PM
Maxkamad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne. Ibrahima Kassory Fofana, oo horey u ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumaddii madaxweynihii hore Alpha Condé, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay laba bilyan oo franki Guinea ah ($230,000). Xukunkiisa ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, magaalada Conakry ee caasimadda dalka. Maxkamaddu waxay Fofana ku heshay inuu lunsaday ilaa 15 bilyan oo franki Guinea ah ($1.7 milyan) oo ka mid ah dhaqaalaha barnaamijyada daryeelka bulshada ee dowladdii hore, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dadaalladii wax looga qabanayay cudurka COVID-19. Faah-faahinta: https://bit.ly/4iaAxj6 Follow VOA Somali WhatsApp 👉https://bit.ly/4azCAue
Image from VOA Somali: Maxkamad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ...

Comments